7.10.14

Xawaaraha Memory-da (RAM)

10/07/2014












Xawaaraha Memory-da (RAM)
Xawaaraha Memory-du wuxuu muhiim u yahay guud ahaan xawaarha kumbiyuutarka. Mar kasta oo uu processor-ku u baahdo inuu qabto hawl gaar ah wuxuu inta badan u baahdaa inuu akhbaar ka soo akhristo Memory-da. Markaa wuxuu processor-ku ku khasban yahay inuu sugo Memory-da oo uu wax uga soo akhristo xawaare la mid ah kan Memory-da. Haddaba mar kasta oo uu xawaaraha Memory-du hoos u dhacaba waxaa sii badanaya wakhtiga processor-ka uga luma sugitaanka Memory-da.

Xawaaraha Memory-da waxaa lagu cabbiraa waxa loo yaqaan nanoseconds (ns). Halkii ns wuxuu u dhigmaa hal seken (ilbiriqsi) oo loo qaybiyay bilyan qeybood qeyb ahaan. Memory-da maanta la isticmaalo wuxuu xawaareheedu u dhexeeyaa 60ns ilaa 8ns. Madaama uu xawaaraha Memory-du ku salaysan yahay wakhti, mar kasta oo uu wakhtigu sii yaraadaba waxaa kor u kaca xawaarha Memory-da. Tusaale ahaan Memory uu xawaaraheedu yahay 8ns waxay in ka badan 7 jeer ka dheeraysaa Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns. Memory uu xawaaraheedu yahay 60ns waxay la xawaare tahay processor uu xawaarihiisu yahay 16.7Mhz. 8ns waxay iyaduna u dhigantaa 125Mhz. Haddaba waad qiyaasi kartaa wakhtiga processor uu xawaarihiisu yahay 650 Mhz iyo ka sii badan uga lumaya inuu la shaqeeyo Memory uu xawaaraheedu yahay 16.7 Mhz. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Memory gadanayso aad ka fikirto kuna xisaabtanto xawaaraha Memory-da.


Wargelin :- Casharadani Waxa Ay Khaas U Yihiin Bahda Hacks And Security Amar La-aana si Personal Benefit ah looma Isticmaali Karo 
Share on Google + Facebook  Twitter

Written by

a computer geek and a junior compo programmer by interest and lecturer in accounting by profession. He got his MSIT, BBIT, and MBA in Community Development at Golis University - Burao and Fair Land University - Hargesia. He has an excellence work experience with Excel Accounting/Financial Accounting, AIS/MIS/FIS/Computerized Accounting. He also masters in Excel Programming, Access Programming not to mention that he is an IT Professional in Microsoft Studio and Visual Basic Programming , Web Development in "PHP, Joomla, Wold Press. He also trained in Networking, Hardware, IT Security all in all Maxbuub has a limit let potentials and skills and he chooses to share all of that an more in this blog. Facebook: https://www.facebook.com/MrBura0

0 comments:

Post a Comment

 

© 2014 Hacks And Security . All rights resevered. Designed by Templateism

Back To Top