Memory-da
Memory-du waxay u kala baxdaa laba
nooc oo kala ah: ROM (Read Only Memory) iyo RAM (Random Access Memory).
Casharkeenaan waxaa kaliya oo aan kaga hadli doonnaa nooca dambe ee RAM. Mar
kasta oo aan casharkaan ku soo qaadno Memory waxaan ula jeednaa nooca RAM oo
kaliya.
Waa Maxay RAM?
RAM (Random Access Memory) waa halka
si ku meelgaar ah loogu kaydiyo akhbaarta uu processor-ku markaas gacanta ku
hayo iyo program-yada markaa shidan (running programs). Tusaale ahaan haddaad
rabto inaad wax qorato waxaad horta shiddaa program-ka aad wax ku qorato sida
Word. Markaad program-kaas shiddo waxaa Memory-da lagu kaydiyaa koobi ah
program-kaas, koobigaas ayaana lagu tusaa si aad wax ugu qorato. Muddada aad
wax qorayso waxaa akhbaarta aad qorto lagu kadiyaa Memory-da, waxaana halkaa
lagu haynayaa ilaa inta uu kumbiyuutarku shidan yahay ama aad program-ka Word
ka xirayso. Haddiise kumbiyuutarka la damiyo ka hor inta aadan kaydin
akhbaartaasi way lumaysaa.
Tusaalaha ugu caansan ee la soo
qaato marka la sharxayo sida uu kumbiyuutarku wax u kaydiyo waa iyadoo
kumbiyuutarka lagu matalo xafiis yar oo ay yaallaan miis iyo armaajo lagu
kaydiyo dukumentiga xafiiska. Armaajadu waxay u taagan tahay Hard Disk-ga oo ah
halka sida joogtada ah loogu kaydiyo akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka
ku jira. Miiskuna wuxuu u taagan yahay Memory-da. Qofka xafiiska ka shaqaynaya
(oo u taagan Processor-ka) wuxuu armaajada kala soo baxaa hadba dukumentiga uu
rabo inuu wax ka qabto wuxuuna ku kala fidiyaa miiska dushiisa. Waxaa caadi ah
in qofka xafiis ka shaqaynayaa uu dukumentiyo fara badan ku haysto miiska
dushiisa. Mar kasta oo baaxadda miisku ay sii weynaataba waxaa badanaya tirada
dukumentiyada dushiisa la saari karo. Sidaa si la mid ah ayuu kumbiyuutarku
program-yada iyo hawlaha uu markaas gacanta ku hayo ugu kaydsadaa Memory-da.
Mar kasta oo ay baaxadda Memory-du sii weynaataba waxaa badanaya akhbaarta lagu
keydin karo iyo tirada program-yada isku mar kuu furnaan karo. Memory-da
la'aanteed kumbiyuutarku wax hawl ah ma qaban karo. Sidaa darteed Memory-du
waxay ka mid tahay qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka.

Baaxadda Memory-da waxaa lagu
cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma hal xaraf. 1024-kii byte
waxay noqdaan hal KiloByte (KB). Kunkii KB waxay noqdaan hal MegaByte (MB).
Kunkii MB-na waxay noqdaan hal GigaByte (GB). Memory-du waxay ku dul rakiban
tahay kaarar yar yar oo uu dhererkoodu qiyaas ahaan le'eg yahay 10 ilaa 15 cm
(Fiiri sawirka). Kaararkaasi waxay u kala baxaan laba nooc oo kala ah SIM
(Single Inline Memory Module) iyo DIM (Dual Inline Memory Module). Kaararkaas
waxaa la gadaa iyagoo baaxadda Memory-da ku dul rakibani ay tahay 1 MB, 2 MB, 4
MB, 8 MB, 16 MB, 32 MB, 64 MB ama 128 MB.
Haddaan dib ugu noqonno tusaalihii
xafiiska, mar kasta oo uu miiska xafiisku sii weynaadaba waxaa badanaya tirada
dokumentyada isku mar dushiisa la saari karo islamarkaana waxaa fududaanaya
helitaanka dokumenti ka mid ah dokumentiyada saaran miiska dushiisa, maadaama
uu miisku waasac yahay oo aan loo baahanayn in dokumentiyada la is kor saaro oo
ay markaa is qariyaan. Sidaa si le'eg ayaa mar kasta oo ay baaxadda Memory-da
kumbiyuutarku sii weynaataba waxaa bata tirada porgamyada isku mar kuu furnaan
kara iyo xaddiga akhbaarta Memory-da lagu kaydin karo. Waxaa kale oo
fududaanaya helitaanka wixii akhbaar ah ee Memory-da looga baahdo. Taasina
waxay kor u qaadaysaa xawaaraha hawl qabadka kumbiyuutarka.
Lasoco Qaybta Ku Xigta
Wargelin :- Casharadani Waxa Ay Khaas U Yihiin Bahda Hacks And Security Amar La-aana si Personal Benefit ah looma Isticmaali Karo
Share on Google + Facebook Twitter
0 comments:
Post a Comment