Hard
Disk dusha laga sawiray isagoo marna qolofkii kore wata (Midig) marna laga
furay (Bidix) oo ay calooshiisii muuqato
Sida aan ku soo aragnay Casharka 2-aad Hard Disk-gu waa halka sida joogtada ah loogu kaydiyo
dhammaan program-yada iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jirta. Hard
Disk-gu waa qaybta ugu muhiimsan qaybaha uu kumbiyuutarku u isticmaalo kaydinta
akhbaarta. Wixii akhbaar ama program-yo ah ee Hard Disk-ga lagu kaydiyaa waxay
halkaa ku jirayaan ilaa inta aad adigu ka tirtirto. Taasi waa haddii uu Hard
Disk-gu bed qabo oo aysan ku iman cillad farsamo oo keenta inuu kharribmo
halkaana ay ku lumaan dhammaan wixii ku jiray. Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay
qaybaha muhiimka ah ee ku dhex jira santuukha kumbiyuutarka. Halkii kumbiyuutar wuxuu yeelan karaa hal
ama in ka badan oo Hard Disk-yo ah, iyadoo taasi ay mar kasta ku xiran tahay
baahida qofka kumbiyuutarka iska leh.
Baaxadda Hard Disk-ga
Maadaama ay dhammaan program-yada
iyo akhbaarta kale ee kumbiyuutarka ku jira lagu kaydiyo Hard Disk-ga, waxaad
garan kartaa in baaxadda Hard Disk-gu ay aad muhiim u tahay. Waayo xaddiga akhbaarta
iyo program-yada kumbiyuutarka la gelin karaa waxay ku xiran tahay baaxadda
Hard Disk-ga. Mar kasta oo ay baaxadda Hard Disk-gu sii weynaataba waxaa
badanaya tirada program-yada kumbiyuutarka la gelin karo.
Baaxadda Hard Disk-ga waxaa, sida
Memory-da oo kale, lagu cabbiraa waxa loo yaqaan "Byte" oo u dhigma
hal xaraf. 1024-kii byte waxay noqdaan hal kilobyte (KB). Kunkii KB-na waxay
noqdaan hal megabyte (MB). Kunkii MB-na waxay noqdaan hal gegabyte (GB). Hard
Disk-gii ugu horreeyay ee loogu tala galay kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay
PC-ga, baaxaddiisu waxay ahayd 10 MB. Hard Disk-yada maanta la isticmaalo
baaxaddoodu waxay gaaraysaa ilaa 60 GB iyo ka sii badan. Kumbiyuutarrada ay
dadka caadiga ah isticmaalaan waxaa caadi ah inay wataan Hard Disk-yo ay
baaxaddoodu u dhaxayso 6 - 20 GB.
Muhimmadda Hard Disk-ga
Hard Disk-gu wuxuu ka mid yahay
qaybaha ugu muhiimsan kumbiyuutarka. Taas waxaan filayaa inaad si dhib yar u
fahmi karto maadaama aad fahamsan tahay in dhammaan program-yada iyo akhbaarta
kale ee kumbiyuutarka ku jirtaa ay ku Hard Disk-ga ku kaydsan yihiin oo haddii
uu kharribmo ay lumayaan. Waxaase intaas sii dheer oo laga yaabaa in aysan si
fudud kuugu muuqan in Hard Disk-gu uu muhiim u yahay guud ahaanba tayada wax
qabadka ee kumbiyuutarka. Xawaaraha uu kumbiyuutarku ku kaco marka la shido
waxay si toos ah ugu xiran tahay xawaaraha Hard Disk-ga. Sidoo kale xawaaraha
uu program kasta oo aad shiddaa ku kaco wuxuu isaguna si toos ah ugu xiran
yahay xawaaraha Hard Disk-ga. Program-yada adeegsada nooc Database ah waxay had
iyo jeer wax ku qora waxna ka soo akhriyaan Hard Disk-ga, taasoo keenaysa in
xawaaraha hawl qabadkoodu uu iyaguna si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha Hard
Disk-ga.
Haddaba si aan u fahamno tayada iyo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno dhismaha Hard Disk-ga iyo sida uu akhbaarta u kaydiyo. Sidaa darteed inta aynaan ka hadlin xawaaraha Hard Disk-ga waxaan ku hor maraynaa dhismihiisa iyo sida uu u shaqeeyo.
Haddaba si aan u fahamno tayada iyo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno dhismaha Hard Disk-ga iyo sida uu akhbaarta u kaydiyo. Sidaa darteed inta aynaan ka hadlin xawaaraha Hard Disk-ga waxaan ku hor maraynaa dhismihiisa iyo sida uu u shaqeeyo.
Dhismaha
Hard Disk-ga
Sida kaaga muuqata sawirka kore,
Hard Disk-gu wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood iyadoo qayb kastaa ay qabato
hawl gaar ah. Halkaan waxaan ku soo qaadanaynaa qaybaha ugu muhiimsan oo ay ka
mid yihiin (fiiri
sawirka qaybaha ay nambarradu ku hor qoran yihiin):
- Platers
- Heads
- Spindle
- Actuator
- Interface connector
- Power connector
Lixdaas qaybood ayaan halkaan mid
mid ugu soo qaadaynaa
- Platters
Sawir
ah hal Platter oo kaligeed gaar loo soo furay
Hard Disk-gu wuxuu akhbaarta ku
kaydiyaa saxammo wareegsan oo xagga muuqaalka u eg saxammada CDROM-ka.
Saxammadaas ayaa la yiraahdaa Platters waxayna ka samaysan yihiin shay sida
birta u adag oo aan la qalloocin karin. Halkaas ayuuna ka yimid magaca Hard
Disk oo loo turjumi karo "saxan adag". Platters-ku waa qeybta ugu
muhiimsan qaybaha Hard Disk-ga waayo waa halka ay wax kastaa ku kaydsan yihiin,
hawshaas oo ah hawsha ugu muhiimsan ee uu Hard Disk-gu qabto. Platters-ku waxay
leeyihiin laba dhinac oo labadaba akhbaar lagu qoro, halka saxammada CDROM-ka
dhinac kaliya wax looga qoro. Hard Disk kastaa wuxuu yeelan karaa hal Platter
iyo wixii ka badan, waxayse kuwa maanta la isticmaalaa inta badan leeyihiin 1 -
5 Platters.
Si akhbaarta Platters-ka ku qoran
loo nidaamiyo loona fududeeyo wax ku qoridda iyo wax ka soo akhrinta
Platters-ka ayaa waxaa Platter-ka loo sii kala qaybiyaa qaybo yar yar oo la
kala yiraahdo Tracks iyo Sectors.
Sawir
tusaale ah oo muujinaya sida Platter-ka Hard Disk-ga loo kala qaybiyo
Sida sawirka kaaga muuqata
Platter-ku wuxuu leeyahay wareegyo isku dhex jira ama kala korreeya. Halkii
wareeg ayaa lagu magacaabaa Track. Halkii Track waxaa loo sii kala qaybiyaa
qaybo yar yar oo la yiraahdo Sectors. Waxaa sawirka kaaga muuqda hal Sector oo
lagu calaamadeeyay midab buluug ah. Platter-ka sawirka kaaga muuqda oo ah mid
aan dhab ahayn laakiin tusaale ahaan loo sameeyay wuxuu leeyahay 20 Track oo
halkii Track-ba uu leeyahay 16 Sectors. Hard Disk-yada casriga ee maanta la
isticmaalaa waxay leeyihiin kumanaan Tracks.
Halkii Sector wuxuu qaadaa 512 byte (xaraf) waana inta ugu yar ee ay akhbaar kasta Hard Disk-ga ka qaadan karto. Tusaale ahaan haddaad qorto warqad ka kooban 100 xaraf oo aad kaydiso waxay Hard Disk-ga ka qaadanaysaa hal Sector oo ah 512 xaraf. Haddiise ay warqaddaadu gaarto kun xaraf waxay qaadanaysaa laba Sector oo ah 512 + 512 = 1024.
Halkii Sector wuxuu qaadaa 512 byte (xaraf) waana inta ugu yar ee ay akhbaar kasta Hard Disk-ga ka qaadan karto. Tusaale ahaan haddaad qorto warqad ka kooban 100 xaraf oo aad kaydiso waxay Hard Disk-ga ka qaadanaysaa hal Sector oo ah 512 xaraf. Haddiise ay warqaddaadu gaarto kun xaraf waxay qaadanaysaa laba Sector oo ah 512 + 512 = 1024.
Sawirkaasi wuxuu muujinayaa hal
dhinac oo ka mid ah labada dhinac ee Platter-ka. Dhinaca kelana wuxuu leeyahay
Tracks iyo Sectors tiro ahaan iyo cabbir ahaanba la mid ah kuwa halkaan kaaga
muuqda. Track kastaa wuxuu leeyahay nambar u gaar ah oo lagaga garto Track-yada
ay isku dhinaca ku yaallaan. Nabarrada Tracks-ka waxaa laga billaabaa eber (0)
iyadoo kan ugu hooseeya ama ugu xiga xagga bartamaha Platter-ku uu leeyahay
nambar eber, kan ka korreeyana uu qaadanayo hal (1), kan kaas ka sii korreeyana
uu qaadanayo labo (2) ilaa laga gaaro kan ugu korreeya oo ugu xiga xagga
darafka Platter-ka oo qaadanaya nambarka ugu dambeeya. Labda dhinac ee
Platter-ku waxay kala leeyihiin laba nambar oo kala ah eber (0) iyo hal (1).
Platter kasta oo ka mid ah Platter-rada uu Hard Disk-gu ka kooban yahay wuxuu
leeyahay nambar u gaar ah. Haddaba marka la rabo in Hard Disk-ga laga soo
akhriyo akhbaar ku qoran Sector gaar ah waxaa akhbaartaas lagu raadiyaa iyadoo
la sheegayo nambarka Platter-ka , nambarka dhinaca ay kaga qoran tahay,
nambarka Track-ga iyo nambarka Sector-ka ay akhbaartaasi ku qoran tahay.
Tusaale ahaan Platter 1, Side 1, Track 9 iyo Sector 16.
Waxa kale oo jira waxa loo yaqaano
Cylinder oo micno ahaan la mid ah Track lakiin la isticmaalo marka la sheegayo
adreeska akhbaarta la raadinayo. Haddaba si aan u fahamno Cylinder iyo waxa uu
yahay waxaan adeegsanaynaa sawirka hoose:
Platters-ka uu Hard Disk ka kooban
yahay waa isku cabbir waxayna leeyihiin tiro Tracks ah oo is le'eg isla
markaana way isku dul aaddan yihiin. Tusaale ahaan haddii uu Hard Disk-gu
leeyahay 4 Platters wuxuu yeelanayaa 8 dhinac oo dhinac kastaa uu leeyahay tiro
Tracks ah oo ka billawda eber. Haddaba Track-yada uu nambarkoodu yahay eber ee
ku yaalla dhinac kasta oo ka mid ah siddeedaas dhinac way isku dul addan yihiin
waxayna isku noqonayaan hal Cylinder oo uu nambarkiisu yahay eber. Taasna wuxuu
sawirku kuugu muujinayaa xarriiqa taagan oo buluugga ah.
Casharkaanna halkaas ayaan ku
joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo halkaas ka sii wadi doonnaa
qaybaha kale ee Hard Disk-ga.
casharadan Waxa Ay Khaas u yihiin Hacks And Security , Lama ogola in loo Isticmaalo another Institute ama meelo kale lagu bixiyo, wana sharci daro..
If You have any queries or any trouble changing colors of the folders, let us know in the comments below.
Share on Google + Facebook Twitter
0 comments:
Post a Comment