Noocyada Memory-da (RAM)
RAM-ku wuxuu guud ahaan u kala baxaa
laba nooc oo asaasi ah oo kala ah:
- DRAM (Dinamic RAM)
- SRAM (Static RAM)
Labadaas nooc ayaan halkaan mid mid
ugu soo qaadnaynaa.
- DRAM
Noocani
waa nooca ugu badan ee ay isticmaalaan kumbiyuutyarrada uu noocoodu yahay PC (Personal
Computers). Noocani xawaare ahaan aad ayuu uga gaabiyaa nooca SRAM, laakiin
qiimihiisa ayaa aad uga jaban, cabbir ahaanna wuu ka yar yahay. Taas ayaana
keentay in shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa ay noocaan u doortaan
kumbiyuutarradooda. DRAM wuxuu u sii kala baxaa dhawr nooc oo ay ka mid yihiin:
- FPM DRAM
Noocani
wuxuu farsamadii DRAM ku kordhiyay farsamo loo yaqaan Fast Page Mode (FPM).
Farsamadaasi waxay fududaysay raadinta iyo helitaanka akhbaarta Memory-da ku
kaydsan. Kumbiyuutarrada uu noocoodu ahaa 486 wixii ka dambeeyay waxay
isticmaalaan Memory noocaan ah wixii ka horreeyayna waxay isticmaali jireen
DRAM caadi ah oo aan lahayn farsamada FPM-ka. Si aad u isticmaasho Memory-da
noocaan ah waxaa khasab ah in kaararka Memory-da (SIMM/DIMM) noocaan ah ay laba
laba ahaandaan. Taas oo uu micneheedu yahay in haddaad rabto inaad
kumbiyuutarka ku kordhiso Memory ay baaxaddeedu tahay 64 MB waxaad ku khasban
tahay inaad soo gadato ugu yaraan laba kaar oo min 32 MB ah (ama afar kaar oo
min 16 MB ah ama ka sii badan). Haddaad soo gadato hal kaar oo 64 MB ah, ma
isticmaali kartid kaarkaas ilaa aad u hesho kaar labaad oo ah 64 MB. Taasina
waxay keenaysaa inay marka dambe kugu yaraadaan boosaska loogu tala galay
Memory-da ee ka bannaan Motherboard-ka, maadaama uu noocani mar kasta
Motherboard-ka ka qaadanayo ugu yaraan laba boos.
- EDO RAM
Billawgii
sannadkii 1995-kii ayaa waxa soo baxay noocaan oo luugu tala kumbiyuutarrada uu
noocoodu yahay Pentium. EDO (Extended Data Out) waa FPM DRAM oo wax laga beddelay.
EDO wuxuu xawaaraha Memory-da kor u qaaday 5% si dhakhso ah ayuuna suuqa ugu
faafay. EDO wuxuu si gaar ah ugu fiican yahay kumbiyuutarrada uu xawaaraha
Motherboard-koodu yahay 66Mhz.
- SDRAM
SDRAM oo u
taagan Synchronous DRAM aad ayuu uga dheereeya EDO iyo noocyadii ka sii
horreeyayba. Wixii ka dambeeyay 1997-kii wuxuu noocani ahaa nooca ugu caansan
uguna badan noocyada Memory-da ee loo isticmaalo kumbiyuutarrada uu noocoodu
yahay PC-ga. SDRAM wuxuu si gaar ah ugu sii fiican yahay Pentium II iyo wixii ka
dambeeya.
- SRAM
Nooca
labaad ee noocayada asaasiga ah ee Memory-da loo qaybiyo waxa la yiraahdaa SRAM
(Static RAM). SRAM aad ayuu uga dheereeyaa dhammaan noocyada DRAM. Waxaa la
helaa SRAM uu xawaarahoodu gaarayo 2ns iyo ka sii hoose, taasoo xawaare ahaan
la socon karta processor uu xawaarihiisu yahay 500 Mhz iyo ka badan. Laakiin
SRAM waxay leedahay laba cilladood oo kala ah: Cabbir ahaan way ka weyn tahay
DRAM taasna waxay keenaysaa inay boos weyn kumbiyuutarka ka qaadato. Tan
labaadna aad ayay qaali u tahay kumbiyuutarkii iyada loo doortaana sidoo kale
ayuu qaali u noqonayaa. Labadaas arrimood ayaa waxay keeneen in shirkadaha
kumbiyuutarrada sameeyaa ay ka door bidaan DRAM gaabisa. Maadaama ay SRAM aad
qaali u tahay waxaa loo isticmaala oo kaliya Cache Memory ahaan.
Wargelin :- Casharadani Waxa Ay Khaas U Yihiin Bahda Hacks And Security Amar La-aana si Personal Benefit ah looma Isticmaali Karo
Share on Google + Facebook Twitter
0 comments:
Post a Comment