Floppy
Disk Drive uu cabbirkiisu yahay 3.5" oo la sawiray isagoo marna
kumbiyuutarka ku rakiban (bidix) marna keligii gaar loo soo furay(midig)
Sida aan ku soo aragnay casharka 3-aad, Floppy Disk Drive-ku waa halka kumbiyuutarka laga geliyo
cajaladda yar ee kumbiyuutarka lagu isticmaalo loona yaqaan "Floppy
Disk" ama Diskette, waxaana astaan u ah xarafka A:.
Floppy Disk Drive-ka oo loo soo gaabiyo FDD wuxuu ku dhex dhisan yahay santuukha kumbiyuutarka wuxuuna ka mid yahay qaybaha asaasiga ah ee
kumbiyuutarka ilaa waagii la soo saaray la socday, marka laga reebo in yar oo
ka mid ah kumbiyuutarrada yar yar ee gacanta lagu qaato (Portable Computers) oo
la iibiyo iyaga oo aan FDD lahayn.
Baaxadda
iyo cabbirka Floppy Disk-ga
Sida Hard Disk-ga ayaa baaxadda Floppy Disk-ga waxaa lagu cabbiraa Byte,
KB (kilobyte) iyo MB (megabyte). Haddaad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ah
oo ku saabsan cabirradaas iyo waxa ay kala yihiin fadlan fiiri Casharka 14-aad gaar ahaan qaybta "Baaxadda Hard Disk-ga".
Diskette-yadii ugu horreeyey aad ayay u waa weynaayeen cabbirkooduna wuxuu ahaa 8 inch (8") oo u dhaganta 20.32 cm, baaxaddooduna waxay ahayd 360 KB. Muddo ka dib waxaa soo baxay diskette-yo uu cabbirkoodu ahaa 5.25 inch (5.25") oo u dhiganta 13.34 cm. Diskette-yadaas mudo dheer ayaa la isticmaalayay waxayna lahaayeen baaxadaha kala ah: 160 KB, 320 KB iyo 1.2 MB. Muddo aan sidaa u sii fogayn ayay shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa joojiyeen samaynta FDD-yada iyo diskette-ya uu cabirkoodu yahay 5,25, sidaa darteed waxaa laga yaabaa in aad aragto kumbiyuutarro duq ah wata FDD noocaan ah.
Diskette-yadii ugu horreeyey aad ayay u waa weynaayeen cabbirkooduna wuxuu ahaa 8 inch (8") oo u dhaganta 20.32 cm, baaxaddooduna waxay ahayd 360 KB. Muddo ka dib waxaa soo baxay diskette-yo uu cabbirkoodu ahaa 5.25 inch (5.25") oo u dhiganta 13.34 cm. Diskette-yadaas mudo dheer ayaa la isticmaalayay waxayna lahaayeen baaxadaha kala ah: 160 KB, 320 KB iyo 1.2 MB. Muddo aan sidaa u sii fogayn ayay shirkadaha kumbiyuutarrada sameeyaa joojiyeen samaynta FDD-yada iyo diskette-ya uu cabirkoodu yahay 5,25, sidaa darteed waxaa laga yaabaa in aad aragto kumbiyuutarro duq ah wata FDD noocaan ah.
Diskette
uu cabbirkiisu yahay 3.5"
1987-kii ayaa waxaa soo baxay nooc uu cabirkiisu yahay 3.5 inch (3.5") oo u dhaganta 8.89 cm. Noocaan oo ah nooca ilaa iyo maanta la isticmaalo wuxuu u kala baxaa saddex nooc oo xagga baaxadda ku kala duwan. Saddexdaas noo waxay kala yihiin: 720 MB, 1.44 MB iyo 2.88 MB.
Labada nooc ee ay baaxaddoodu kala tahay 720 MB iyo 2.88 MB inta badan lama helo oo suuqa way ku yar yihiin, waxaase aad loo isticmaalaa oo kumbiyuutar kasta la socda nooca ay baaxaddiisu tahay 1.44 MB.
1987-kii ayaa waxaa soo baxay nooc uu cabirkiisu yahay 3.5 inch (3.5") oo u dhaganta 8.89 cm. Noocaan oo ah nooca ilaa iyo maanta la isticmaalo wuxuu u kala baxaa saddex nooc oo xagga baaxadda ku kala duwan. Saddexdaas noo waxay kala yihiin: 720 MB, 1.44 MB iyo 2.88 MB.
Labada nooc ee ay baaxaddoodu kala tahay 720 MB iyo 2.88 MB inta badan lama helo oo suuqa way ku yar yihiin, waxaase aad loo isticmaalaa oo kumbiyuutar kasta la socda nooca ay baaxaddiisu tahay 1.44 MB.
Labada nooc ee uu cabbirkoodu kala yahay
5.25" iyo 3.5" way isa soo gaareen, intii muddo ahna waxaa la soo
saari jiray kumbiyuutarro wata labo FDD oo uu cabirkoodu kala ahaa 3.5"
iyo 5.25". Haddaad u fiirsato xarfaha astaan ahaan u taagan Hard Disk-ga,
Diskette-ka, CD-ROM-ka iwm, waxaad arkaysaa inay kala yihiin A:, C:, D:, E: iwm. Haddaad arrintaas mar labaad u sii
fiirsato waxaad arkaysaa in laga booday xarafka B: oo waxaa laga yaabaa in aadan marna arkin qayb
ay astaan u tahay B:.
Xarafkaas waxaa loo daayay oo loo isticmaali jiray FDD-ka labaad.
Laakiin markii FDD-ka uu cabirkiisu
ahaa 5.25" uu suuqa ka baxay ayuu xarafka B:
banaanaaday ilaa iyo maantana waxba looma isticmaalo, maadaama kumbiyuutarrada
maanta la isticmaalaa ay inta badan wataan hal FDD oo uu cabirkiisu yahay
3.5". Laakiin qofkii doonaya inuu kumbiyuutarkiisa ku isticmaalo labo FDD
oo uu cabbirkoodu kala duwan yahay ama isku mid yahay wuxuu xarafka B:
u isticmaali karaa mid ka mid ah labadaas FDD. Markaa labada FDD midka noqonaya
A: iyo midka noqonaya B: waxay ku xiran tahay hadba afka ay
kaga xirmaan fiilada xiriirisa FDD-ka iyo kumbiyuutarka intiisa kale.
Fiiladaasi waxay sida caadiga ah leedahay laba af oo u kala taagan A:
iyo B:.
Casharkeenna inta ka hartay waxaan uga hadli doonnaa nooca 3.5"-ga ah.
Casharkeenna inta ka hartay waxaan uga hadli doonnaa nooca 3.5"-ga ah.
Muhiimadda
Floppy Disk Drive-ka
Kumbiyuutarradii ugu horreeyey ee uu
noocoodu ahaa PC-gu ma aysan lahayn Hard Disk waxayse lahaayeen FDD, dhammaan akhbaarta uu kumbiyuutarku
u baahdo inuu kaydiyana wuxuu ku kaydin jiray Floppy Disk (Diskette). Xilligaas
wuxuu FDD-ku ahaa qayb aad u muhiim ah oo la'aanteed uusan kumbiyuutarku qiimo
badan lahaan jirin ama uu isticmaalkiisu aad u adkaa. Dawrka FDD-ku wuxuu hoos
u dhacay markii uu Hard Disk-gu soo baxay ee uu la wareegay kaalinta 1-aad ee hawsha
kaydinta akhbaarta iyo program-yada kumbiyuutarka ku jira. Markaa Taasi waxay
keentay in FDD-ku uu soo galo kaalinta 2-aad hawshiisu ay isgu soo ururto
qodobada kala ah: akhbaar u kala gudbinta kumbiyuutarrada (File Copy) iyo
program-yada cusub ee kumbiyuutarka la geliyo (software installation). Markii
uu CD-ROM-ku soo baxay islamarkaana baaxadda program-yada kumbiyuutarka la geliyaa
ay sare u kacday ayaa waxaa dhacday in FDD-ka xataa kaalintii 2-aad lagu
qabsado oo CD-ROM-ka ayaa la wareegay in badan oo ka mid ah hawsha program
gelinta kumbiyuutarka (Software Installation). Maanta dawrka FDD-ka iyo
diskette-yadaba aad ayuu hoos ugu dhacay, waxaase weli loo isticmaalaa hawlaha
ay ka mid yihiin:
- Akhbaar u kala gudbinta
kumbiyuutarrada (File
Copy)
Habka ugu fudud ee akhbaar aan baaxaddeedu weynayn loogu kala gudbiyo laba kumbiyuutar waa iyadoo diskette la adeegsado. Taas waxaa aad u sii caawinaya iyadoo dhammaan kumbiyuutarrada PC-ga ah ee maanta la adeegsadaa ay leeyihiin FDD isku dhismo ah isku sina u shaqeeya. Taasi waxay keenaysaa in wixii akhbaar ah ee aad diskette ku koobiyayso aad ku kalsoonaan karto in kumbiyuutar kastaa uu akhbaartaas diskette-ka kala soo bixi karo. Waxaa xataa jirta in in badan oo ka mid ah kumbiyuutarrada uu noocoodu yahay Macintosh-ka iyo xataa kuwa UNIX-kuba ay diskette ka soo akhrin karaan akhbaar uu kumbiyuutar PC ahi ku kaydiyay, taasoo diskette-yada ka dhigaysa hab fudud oo akhaarta loogu kala gudbin karo kumbiyuutarro sidaa u kala duwan. - Kaydinta iyo xafidaadda
akhbaaraha yar yar ee muhiimka ah (Backup)
Qoraallada muhiimka ah iyo akhbaaraha kale ee aan baaxaddoodu weynayn waxaa inta badan lagu kaydsadaa diskette, si haddii kumbyuutarka ay wax ku dhacaan oo akhbaartaasi ay si uun u lunto loogu baxsado koobiga diskette-ka ku jira. Waxaase dhici karta in diskette-ka laftiisu uu kharribmo ama uu xataa lumo, sidaa darteed waa muhiim in si gaar ah loo xannaaneeyo diskette-yada lagu kaydiyo akhbaaraha muhiimka ah. - Kumbiyuutar gelinta
program-yada ka shaqaysiiya qaar ka mid ah qalabka kumbiyuutarka lagu
xiriiryo (Driver installation)
Qaar ka mid ah qalabka kumbiyuutarka lagu xiriiriyo ayaa weli waxay adeegsadaan diskette-yo si ay kumbiyuutarka u geliyaan program-yada la socda ee qalabkaas ka shaqaysiiya. Qalabkaas waxaa ka mid ah Modem-yada, qaar ka mid ah Monitor-rada, qaar ka mid ah daabaceyaasha (Printers) iwm. Waxaase qalabka kumbiyutarka lagu xiriiriyo intooda badan la socda CD-ROM hawshaas loo adeegsado.
Dhismaha
Floppy Disk Drive-ka
FDD-ku wuxuu xagga dhismaha
shabbahaa Hard Disk-ga inkastoo halka uu Hard Disk-gu ka isticmaalo Platers isaga ku dhex dhisan, FDD-ku uu isticmaalo Diskette dibedda
ka ah oo markii loo baahdo la geliyo, diskette-kaas oo uu ku dhex jiro saxan
jilicsan oo u dhigma Platers-ka Hard Disk-ga (fiiri sawirka hoose).
Floppy
Disk la kala furay oo qolofkiisii (bidix) iyo saxankiisii (midig) la is garab
dhigay
Xagga dhismaha FDD-ku wuxuu ka kooban
yahay qaybaha ay ka mid yihiin:
- Heads (Read/Write)
- Head Actuator
- Spindle Motor
- Connectors
Qaybahaas ayaan halkaan mid mid ugu
soo qaadan doonnaa.
- Heads (Read/Write)
Heads-ka
FDD-ku waxay sida kuwa Hard Disk-ga hawshoodu tahay inay waxna ku qoraan waxna
ka soo akhriyaan Diskette-ka markaa ku jira FDD-ka. Heads-ka FDD-ku waxay si
toos u taabtaan oo ay ku dhagaan saxanka diskette-ka ay wax ku qorayaan ama ay
wax ka soo akhrinayaan, halka Heads-ka Hard Disk-gu ay kor uga yara kacsan
yihiin oo aysan taaban Platters-ka. Taasna waxaa u sabab ah saxanka diskette-ka
oo aad uga jilicsan Platters-ka Hard Disk-ga iyo xawaaraha FDD-ku uu ku wareego
oo aad uga hooseeya kan Hard Disk-ga, taasoo keenaysa in Heads-ka FDD-ku aysan
xoqin oo aysan dhibaato u geysan saxanka Diskette-ka. Si kastaba ha ahaatee
waxaa dhacda in istaabashada Heads-ka iyo saxanka diskette-ku ay muddo ka dib
keento in qashin ku samaysmo afka Heads-ka taasina ay keento in Heads-ku aysan
u shaqayn sidii loogu tala galay, waxayna markaa u baahanayaan in la nadiifiyo.
Saxanka diskette-yada maanta la isticmaalaa wuxuu sida Platters-ka Hard Disk-ga leeyahay laba dhanac oo wax looga qoro, sidaa darteed wuxuu FDD-ku leeyahay laba Head oo uu midba dhanac uga dhago saxanka diskette-ka (Fiiri sawirka Heads-ka ee Casharka 15-aad)
Saxanka diskette-yada maanta la isticmaalaa wuxuu sida Platters-ka Hard Disk-ga leeyahay laba dhanac oo wax looga qoro, sidaa darteed wuxuu FDD-ku leeyahay laba Head oo uu midba dhanac uga dhago saxanka diskette-ka (Fiiri sawirka Heads-ka ee Casharka 15-aad)
- Head Actuator
Head
Actuator-ku waa qaybta dhaqaajisa Heads-ka oo geysa hadba Track-ga la rabo in wax lagu qoro ama wax laga soo akhriyo. Head
Actuator-ka FDD-ku aad ayuu u gaabiyaa marka la garab dhigo Head Actuator-ka
Hard Disk-ga, taasina waxay ka mid tahay arrimaha keena in FDD-ku uu guud ahaan
aad uga gaabiyo Hard Disk-ga.
- Spindle Motor
Spindle Motor-ku waa qaybta wareejisa saxanka Diskette-ka markaa ku jira FDD-ka. Marka diskette la geliyo FDD-ka waxaa saxanka diskette-ka xagga hoose ka qabta ilko ku rakiban Spindle Motor-ka, ka dibna Spindle Motor-ka ayaa wareegta isagoo saxanka diskette-kuna uu markaa la wareeganayo. Xawaaraha uu Spindle Motor-ka FDD-ku uu ku wareegaa waa 300 RPM (Revolutions Per Minute) oo u taagan daqiiqaddiiba 300 oo wareeg. Taasi aad ayay uga gaabisaa xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard Disk-ga oo u dhexeeyo 4200 RPM ilaa 15000 RPM. Sidaa darteed xawaaraha Spindle Motor-ka FDD-ku wuu isguna ka mid yahay arrimaha keena in xawaaraha FDD-ku uu aad u gaabiyo. Si kastaba ha ahaatee xawaaraha gaabiya ee Spindle Motor-ka ayaa suurto geliya in Heads-ku ay taabtaan ama ku dhagaan saxanka Diskette-ka ay wax ka akhrinayaan iyagoo aan xoqin oo aan dhaawac u geysan. - Connectors
FDD-ka waxaa ku xirma oo kumbiyuutarka ku xiriiriya laba fiilo oo kala ah:
Power
Connector oo ah fiilada uu
FDD-ku korontada ka qaato.
- Fiilada uu FDD-ku korontada ka qaataa waxay u kala
baxdaa laba nooc oo ku kala duwan afka ay FDD-ka ka galaan (Fiiri sawirka
kore). Nooca hore ee ka muuqda sawirka bidixe wuxuu la mid yahay fiilada
uu Hard Disk-gu korontada ka qaato waxaana isticmaala FDD-yada duqa ah.
Nooca labaad oo isna ka muuqda sawirka midige, cabbir ahaan wuu ka yar
yahay nooca kale, FDD-yada maanta la isticmaalo intooda badanna noocaan
ayay isticmaalaan.
- Data interface Cable
Fiilada labaad ee FDD-ka ku xiranta waa fiilada akhbaarta u kala gudbisa FDD-ka iyo kumbiyuutarka intiisa kale. Fiiladaasi waxay u eg tahay fiilada Hard Disk-ga akhbaarta u gudbisa ee aan ku soo aragnay Casharka 15-aad wayse ka yara dhuuban tahay.
Floppy Disk Drive-ku guud ahaan aad
ayuu u gaabiyaa, baaxadda diskette-yaduna aad ayay u yar tahay oo wax badan ma
qaadaan. Intaa waxaa sii dheer Diskette-yada oo aan adkaysi badan lahayn si
fududna ku kharribma. Boorka, qashinka, taabasha faraha iwm ayaa diskette-yada
kharriba, taasoo keeni karta in akhbaarta aad Diskette ku kaydsato aad ka soo
akhrisan weydo markaad u baahato oo lagu yiraahdo diskette-ka wax lagama akhrin
karo. Sidaa darteed waxaa muhiim ah in Diskette-yada ay kuugu kaydsan tahay
akhbaarta muhiimka ah aad si gaar ah u xannaanayso oo aad ka ilaaliso wixii
keeni kara inay kharribmaan.
Haddii uu Diskette kaa kharribmo waxaad Diskette-ka marisaa program-ka ScanDisk ee la socda Windows oo aad ka helayso Start => Programs => Accessories => System Tools. ScanDisk waxaa loogu tala galay inuu badbaadiyo wixii akhbaar ah ee ku jira Disk-yada dhaawacma, inkastoo ay dhacdo in mararka qaarkood uu hawshaas ku guul darraysto.
Haddii uu Diskette kaa kharribmo waxaad Diskette-ka marisaa program-ka ScanDisk ee la socda Windows oo aad ka helayso Start => Programs => Accessories => System Tools. ScanDisk waxaa loogu tala galay inuu badbaadiyo wixii akhbaar ah ee ku jira Disk-yada dhaawacma, inkastoo ay dhacdo in mararka qaarkood uu hawshaas ku guul darraysto.
Casharkaanna halkaas ayaan ku
joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
CD-ROM-ka.
Casharadan Waxa Ay Khaas u yihiin Hacks And Security , Lama ogola in loo Isticmaalo another Institute ama meelo kale lagu bixiyo, wana sharci daro..
If You have any queries or any trouble changing colors of the folders, let us know in the comments below.
Share on Google + Facebook Twitter
0 comments:
Post a Comment