Sawir
muujinaya qaybaha Hard Disk-ga
Casharka 14-aad iyo Casharka 15-aad waxaan kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay
iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan oo ah
kuwa sawirka kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Casharkaana
waxaan ku soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga. Waxaan ka hadli doonnaa
qaybaha saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga. Si aan qaybahaas u tilmaanno
waxaan adeegsan doonnaa sawirka kor kaaga muuqda oo aan casharkaan ugu soo
darnay arrintaas darteed.
Xawaaraha Hard Disk-ga waxaa loo
kala qaadaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin:
- Seek Time
- Latency
- Access Time
Saddexdaas qodob ayaan halkaan mid
mid ugu soo qaadan doonaa.
- Seek Time
Si Heads-ku ay akhbaar uga soo akhriyaan ama ugu qoraan Platters-ka Hard Disk-ga, waa inay horta tagaan Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro.
Wakhtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xiran yahay inta ay le'eg tahay
fogaanta u dhexaysa Track-ga la raadinayo iyo Track-ga ay markaas Heads-ku
taagan yihiin. Wakhtiga celcelis ahaan ay Heads-ka ku qaadato inay tagaan hadba
Track-ga loo baahan yahay ayaa la yiraahdaa Seek Time. Seek Time-ku wuxuu si toos ah ugu xiran yahay xawaaraha
Actuator-ka oo ah qaybta isku haysa isla markaana dhaqaajisa Heads-ka (Fiiri sawirka kore qaybta uu
nambarkeedu yahay 4). Seek Time-ka waxaa lagu cabiraa
waxa loo yaqaan milliseconds oo loo soo gaabiyo "ms" una dhigma hal
ilbiriqsi (second) oo loo qaybiyay milyan qaybood qayb ahaan. Seek Time-ka Hard
Disk-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa wuxuu celcelis ahaan u dhexeeyaa
4 ilaa 10 ms. Arrintaa Waxaad garab dhigtaa xawaaraha Memory-da oo sidaan Casharka 13-aad ku soo sheegnay lagu cabiro nanoseconds (ns) oo u dhigma
hal ilbiriqsi oo loo qaybiyay bilyan qaybood qayb ahaan. Horeyna waxaan u soo
sheegnay in Memory-du ay aad uga gaabiso Processor-ka.
Halkaa
waxaad ka garan kartaa in Hard Disk-gu uu ka mid yahay qaybaha kumbiyuutarka
kuwa xawaare ahaan ugu gaabiya. Waxaa in badan dhacda in qaybaha kale ee
kumbiyuutarku ay iska fadhiyaan oo ay sugaan in Hard Disk-gu uu hawsha qaybta
kaga aaddan soo dhammeeyo. Seek Time-ku wuxuu ka mid yahay uguna horreeyaa
waxyaabaha Hard Disk-ga wakhtiga ugu badan ka qaata, mar kasta oo uu Seek
Time-ku sii yaraadana waxaa kor u kaca xawaaraha Hard Disk-ga taasoo iyaduna
kor u qaadda xawaaraha hawl qabadka guud ee kumbiyuutarka. Sidaa darteed
shirkadaha Hard Disk-yada sameeyaa waxay ku tartamaan xoogna ay saaraan in ay
had iyo jeer hoos u dhigaan Seek Time-ka Hard Disk-ga. Waxaa suuqa Hard
Disk-yada caadi ka noqotay in Seek Time-ka laga dhigo xawaaraha Hard Disk-ga oo
dhan. Waxaad meelaha Hard Disk-yada lagu gado inta badan ka maqlaysaa iyadoo
tusaale ahaan la oranayo xawaaraha Hard Disk-gaani yahay 9 ms, taasoo inta badan
lagu saleeyo Seek Time-ka Hard Disk-gaas. Taasina waxay kuu caddaynaysaa sida
uu Seek Time-ku muhiim ugu yahay xawaaraha Hard Disk-ga.
- Latency
Sida aan
hore uga soo hadalnay marka Platters-ka waxa laga soo akhrinayo ama wax lagu
qorayo waxaa loo baahan yahay in Heads-ku ay horta tagaan Track-ga markaas loo
baahan yahay. Marka ay Heads-ku halkaa tagaan waxay sugaan inta Sector-ka ay akhbaartu ku qoran tahay uu ka imaanayo halka ay Heads-ku
markaa taagan yihiin. Wakhtiga ay taasi qaadato wuxuu ku xiran yahay fogaanta
uu Sector-ka la rabaa u jiro halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Celceliska
wakhtiga ay qaadato in Sector-ka la rabaa uu ku yimaado halka ay Heads-ku
joogaan ayaa la yiraahdaa Latency. Latency-ga Hard Disk-gu wuxuu si toos ah ugu xiran yahay
xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard Disk-ga oo ah tiir dhexaadka ay
Platters-ku ku dul rakiban yihiin ee wareejiya (Fiiri sawirka kore qaybta uu
nambarkeedu yahay 3). Xawaaraha Spindle-ka waxaa lagu
cabiraa waxa loo yaqaan RPM (Revolutions Per Minute) oo u taagan inta wareeg ee
uu Spindle-ku sameeyo halkii daqiiqo. Xawaaraha Spindle-ka Hard Disk-yada
maanta la isticmalo wuxuu u dhexeeyaa 4200 RPM ilaa 15000 RPM.
Latency-ga
waxaa sida Seek Time-ka lagu cabiraa Milliseconds (ms) waxaana xisaab ahaan
lagu helaa 30000 (soddon kun) oo loo qaybiyey xawaaraha Spindle-ka. Tusaale
ahaan haddii xawaaraha Spindle-ku uu yahay 4200 RPM, markaa wuxuu Latency-gu
noqonayaa 30000/4200 = 7.1 ms. Haddiise uu xawaaraha Spindle-ku yahay 15000
(Shan iyo tobon kun) RPM, markaa Latency-gu wuxuu noqonayaa 30000/15000 = 2 ms.
Marka laga hadlayo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa sidaan hore u soo sheegnay inta badan aad looga hadlaa Seek Time-ka, waxaadse halkan ka aragtaa in Latency-gu uu door weyn ka cayaaro xawaaraha Hard Disk-ga oo uusan Seek Time-ka kaligiis ku filnayn cabirridda xawaaraha rasmiga ah ee Hard Disk-ga. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk gadanayso aad ogaato Latency-gu inta uu yahay ama ugu yaraan xawaaraha Spindle-ku inta uu yahay si aad markaa iskaa ugula soo baxdo Latency-ga.
Marka laga hadlayo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa sidaan hore u soo sheegnay inta badan aad looga hadlaa Seek Time-ka, waxaadse halkan ka aragtaa in Latency-gu uu door weyn ka cayaaro xawaaraha Hard Disk-ga oo uusan Seek Time-ka kaligiis ku filnayn cabirridda xawaaraha rasmiga ah ee Hard Disk-ga. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk gadanayso aad ogaato Latency-gu inta uu yahay ama ugu yaraan xawaaraha Spindle-ku inta uu yahay si aad markaa iskaa ugula soo baxdo Latency-ga.
- Access Time
Qodobada
saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga oo la isu geeyay ayaa waxaa la isku
yiraahdaa Access Time. Qodobada uu Access Time-ku ka kooban yahay waxaa ugu
muhiimsan labada qodob ee aan kor uga soo hadalnay ee kala ah Seek Time iyo
Latency. Haddii uu tusaale ahaan Hard Disk-ga Seek Time-kiisu uu yahay 8 ms,
Latency-giisuna uu yahay 5 ms, markaa wuxuu Access Time-ka Hard Disk-gaasi
noqonayaa 8 + 5 = 13 ms. Access Time-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu
cabbiro xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-ga waayo wuxuu sheegayaa wakhtiga ay
Hard Disk-ga ku qaadato inuu akhbaar ka soo akhriyo ama uu ku qoro Platters-ka.
Inkastoo
uu Access Time-ku yahay qodobka ugu muhiimsan xaqiiqadana ugu dhow ee lagu
cabbiro xawaaraha Hard Disk-ga, haddana waxaa la yaab leh in ay yar tahay inta
la isticmaalo oo shirkada Hard Disk-yada sameeyaa waxay had iyo jeer ka door
bidaan qodobada kale sida Seek Time-ka. Waayo qodobada oo la kala qaado ama
xataa mid keliya laga soo qaataa waxay Hard Disk-ga u muujinaysaa sidii inuu ka
dheereeyo xawaarihiisa dhabta. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk
gadanayso ama aad is barbar dhigayso laba Hard Disk aad ogaato Access Time-ka
Hard Disk-ga si aad u ogaato xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-gaas. Haddii
aysan kuu suurtoobayn inaad ogaato Access Time-ka waxaad ugu yaraan codsataa
inaad hesho Seek Time-ka iyo Latency-ga. Waayo labadaas qodob oo la isu geeyay
waxay ku siinayaan qiime aad iyo aad ugu dhow Access Time-ka Hard Disk-gaas.
Casharkaanna halkaas ayaan ku
joojinaynaa. Casharka xiga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa
noocyada Hard Disk-ga (IDE
0 comments:
Post a Comment